Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq oo la Kulmay Madaxweyne Barham Saalax

648

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Cabdifitaax Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Ciraaq Mudane Barham Saalax.

Siihayaha ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Ciraaq salaan iyo hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ciraaq ayaa uga mahadceliyay siihayaha dhambaalka uu uga siday Madaxweyne Farmaajo isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciraaq ay dooneyso in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here