Sii Hayaha Wasiirka Qorsheynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka+Sawirro

Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qQorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdeedu tahay 25/08/2020 waxay kulan Kula yeesheen Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.

Kulankaa oo Ajandihiisu ahaa Xeerka Hay’addaha aan Dowliga aheyn iyo doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Ku-simaha guddoomiyaha guddiga miisaaniyada, maaliyadda Xildh Aamina Sheekh Cusmaan,

Sii hayaha wasiirka wasaaradda qorsheynta Xildhinaa  Jamaal Maxamed Xassan waxaana uu warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hay’addaha aan dowliga aheyn ahmiyada uu u lee yahay Dalka.

Ugu-danbeyn guddiga ayaa u doortay Xildhibaano CabdiXakiin Macalin Axmed maalin inuu noqdo Xog-hayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here