Siminaar ku saabsan daryeelka Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

0
2270

Kulan aqooneed aad u balaaran oo lagu baranayay daryeelka Af-Soomaaliga iyo kaalinta ay Hooyada  ka qaadan karto horumarinta Afka ayaa maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Madal aqooneedkaasi oo  si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga iyo ururka Haweenka Gobolka Banaadir  ayaa furitaankiisii waxaa ka soo qeyb galey Madax ka kala socotey Dawaladda Federaalka Soomaaliya,  Maamulka G/Banaadir iyo Mas’uuliyiin mataleysey urrurada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale{ Madaale} ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaabulka iyo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftey inuu Maamulkiisa ay ka go’an  tahay daryeelka iyo u hiilinta Afka Soomaaliga, isagoo u soo jeediyay haweenka G/Banaadir inay noqdaan bud dhigayaashii afka Soomaaliga isla markaana ay gurmad u galaan sidii loo bad baadin lahaa afkeena hoddonka ah.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleeddka Af-Soomaaliga ahna Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya Prof. Maxamd Daahir Afrax oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey xaalada iyo marxalada u haatan ku sugan yahay Afka Soomaaliga, wuxuuna  tibaaxey inay jiraan af dilayaal  aad u fara badan oo ku soo badanaya af Soomaaliga, isagoo ku nuux nuuxsadey in  la iska kaashado sdii looga hortagi lahaa khatar walba oo ku soo fool leh afka hooy ee aanu leenahay.

Mar u ka hadlayay hawlaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa hoosta ka xariiqey in Akadeemiyadaasi loo unkey sidii ay horseed uga noqon laheyd xoojinta, daryeelka iyo hal aburka Af-Soomaaliga, wuxuuna u soo jeediyay haweenka G/ Banaadir inay hiil u noqdaan Akadeemiyadaasi , isagoo dhanka kale u mahad celiyay Maamulka Muqdisho  oo uu tilmaamaey inuu xil gaar ah iska saaro horumarinta afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa furitaankii munaasabadaasi iyana haddalo kala duwan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka  Canab Xasan Cilmi iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Maxamed Baarqab, kuwaasi oo sheegey in haweenku ay horseed ka noqonayaan kor u qaadida afka Soomaaliga, iyagoo  balan qaadey sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen waajib gudashada Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga.

Ka qeyb galayaashii saminaarkaasi oo ka kala socdey 17-ka Degmo ee G/Banaadir ayaa munaasabadaasi waxay ka soo bandhigeen tallo, guubaabo  iyo su’aalo la xiriiray sida lagu hormarin  karo afka hooyo, madashaasi oo ay ka faa’iideysteen in ku dhaw 100-xubnood oo haween ah ayaa gaba gabadeedii waxaa laga soo saarey qoddobo ay ka mid ahaayeen:-

1-In la badiyo lana joogteeyo Wacyi galinta ku aadan muhiimda u leeeyahay  af-Soomaaliga ,lana gaarsiiyo Deegaan walba oo ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.

2-In la abaabulo olole la mid ah kii horumarinta reer Miyiga, iyadoo ololahaasi bulshada lagu barayo qorista iyo akhriska af-Soomaaliga.

3-In si deg deg ah loo furo   xarumihii Waxbarashada dadka waaweyn ee af-Soomaalga lagu bari jirey.

4-In haweenku ay noqdaan difacayaasha koowaad ee afka hooyo

5- In xil gaar ah la iska saaro erey bixinta cusub ee   af-Soomaaliga.

6- in Hay’adaha caalamka lala kaashado sidi loo baahin lahaa kulamda looga hadlayo illaalinta af-Soomaaliga, iyo qoddobo kale.

Madashii saminaarkaasi ayaa  ku soo idlaaatey  jawi aad wanaagsan,waxaana lagu balamey in loo dhaqaaqo sidii la isaga kaashan lahaa bad baadinta af-Soomaaliga.

2 4(1) 5 9 13 17 thumbnail_10

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here