Siminaar ku saabsan wacyigelinta caafimaadka bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo

Siminaarka oo lagu baranayo sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada ayaa maanta magaalada Gaalkacyo loogu qabtay in ka badan 70 qof oo ka kala socday bulshada qeybahooda kala duwan oo ka kala yimid deegaanada Gobalka Mudug qaarkood.

Tababarkan oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Hay’adda daryeel oo fadhigeedu yahay dalka Sweden iyo ururka maxaliga ee SOSDA ayaa ahaa mid halmaalin, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Galmudug  iyo aqoon yahano dhanka caafimaadka.

Dr Cumar Maxamuud Rooble oo ku hadlayay magaca ururka SOSDA ayaa ugu horeyn ka hadlay xaflada furitaanka siminaarkaan, wuxuuna faah faahin ka bixiyay ujeedka siminaarka laga leeyahay iyo waxyaabaha lagu baran doono intuu socdo

“Siminaarkaan maanta wuxuu ku saabsanyahay arrimo la xiriirta adeegayda caafimaadka bulshada, dadku waxay aad u daneeyaan caafimaadka qofka shaqsigaa oo qofku markasta isaga daawo iyo isbitaal uu raadsado, laakiin waxaa laga yaabaa dadku ineysan tixgalin caafimaadka guud ee bulshada balse midka shaqsigaa, wuxuu ku xiran yahay midka guud, caafimaad guud oo bulsho haddii la helo midka shaqsigana waa la helayaa, dadka waxaa laga yaabaa ineysan ku baaraarugsaneyn caafimaadka meelaha ay ku nool yihiin, marka siminaarkan waa mid bulshada lagu baraarujinayo ilaalinta caafimaadka meelaha ay ku nool yihiin” ayuu yiri Dr Cumar.

Mas’uuliyiin ka socatay hay’adda daryeel oo fadhigeedu yahaydalka Sweden iyo qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka gobalka Mudug, kuwaasi oo dhamaantood ku booriyay ka qeyb qaatayaasha siminaarkaan iyo in waxa ay ka faa’iideeystaan siminaarka gaarsiiyaan bulshada inteeda kale ee aan nasiibka u yeelanin.

Wasiirkii Wasaaradda caafimaadka maamulkii hore ee Galmudug Axmed Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb galay furitaanka siminaarka ayaa ku booriyay xubnihii loo qabtay in ay ka faa’iideystaan, isagoo xusay in caafimaadka bulshada oo la ilaaliyo, barashadeeduna ay tahay mid dadka iyo dalkaba ahmiyad weyn u leh.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qeyb galo barnaamijka ku wacyi galinta caafimaadka ee bulshada sidaa ogsoontihiin caafimaadku waxaa loo qeybiyaa labo waa ka hortag iyo daaweeyn, ka hortagu wuxuu ka fiican yahay daaweeynta marka la doonayo in wax laga hortago waxaa xoogga la saaraa nadaafadda, marka waana key mahadsantihiin sidaa macluumadakaas bulshada loo bari lahaa ay labadiina hay’adood aad xil isaga saarteen” ayuu yiri Axmed Cumar.