Siminaar loo soo xiray saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda difaaca “SAWIRRO”

Siminaarkaan oo muddo afar maalin ah uga socday magaalada Muqdisho saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa waxaa u soo xiray Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdalle Xuseen Cali  siminaarkaas oo ay bixineysay hay’adda IIDA oo ka mid ah hay’adaha ka howl gala dalka.

Siminaarka ayaa ahaa mid lagu baranayay ka hor taga ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo askareynta carruurta, waxaana saraakiisha ka qayb gashay tababarka ay meesha ka saareen in Soomaaliya ay ka jirto in carruur loo askareeyo ka mid noqoshaha ciidanka Qaranka.

Marwo Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha Hay’ada IIDA oo ka hadashay xiritaanka siminaarka ayaa sharaxaad ka bixisay siminaarka iyo ujeedooyinka laga lahaa.

“Tababarkaan waxaa uu ku saabsanaa ilaalinta xaquuqda guud ahaan ee beni’adaamka, gaar ahaan tan carruurta Soomaaliyeed, tababarkaan wuxuu ahaa mid fikirka Soomaali ay lahayd,”ayuu tiri marwada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Cabdalle Xuseen Cali ayaa uga mahad celiyay hay’ada IIDA siminaarka ay siisay saraakiisha Wasaaradda gaashaandhiga, waxaana uu sheegay in waxba aysan ka jirin eedeyamaha ah in dowladda Soomaaliya ay carruur askareyso, dadka loo soo xiray siminaarka ayuuna la dar daarmay.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idin kala soo qayb galo oo aan idiin xiro howshii ay idiin waday maalmihii la soo dhaafay hay’ada IIDA oo aan runtii uga mahad celineyno fursadaan qaaliga ah oo ay u sameysay  Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa dhanka kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Wasaaraddu furtay akoon loogu talo galay in bulshadu uga qayb qaadato taageerida ciidanka xoogga  iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda UGUS, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka lagu taageero xoreynta dalka .

“Waxaa la furay Akoon akoonkaasi oo loogu magac daray difaaca dalka qof walba oo mawaadin ah oo Soomaali ahna in uu ka faa’iideysto waad ogtiihiin dalka cadaw ayaa ku dhuumaaleysanaya, cadawgaasna hadaanaan anagu iska xoreyn qof naga xoreynayaa ma jiro, aduunku waa na kaalmey karaa laakiin howsha inteeda badan anaga ayaa nalaga rabaa”ayuu yiri Wasiir Cabdalle.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka difaaca ayaa waxaa uu shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiisha loo soo xiray siminaarka oo 20 kor u dhaafayay.

vlcsnap-2015-08-16-09h20m28s217 vlcsnap-2015-08-16-09h20m37s47 vlcsnap-2015-08-16-09h20m55s229 vlcsnap-2015-08-16-09h20m59s14 vlcsnap-2015-08-16-09h21m04s60 vlcsnap-2015-08-16-09h21m24s10 vlcsnap-2015-08-16-09h21m33s97 vlcsnap-2015-08-16-09h21m45s212 vlcsnap-2015-08-16-09h22m02s124 vlcsnap-2015-08-16-09h22m09s201 vlcsnap-2015-08-16-09h22m18s36 vlcsnap-2015-08-16-09h22m32s175 vlcsnap-2015-08-16-09h22m36s217 vlcsnap-2015-08-16-09h22m40s252 vlcsnap-2015-08-16-09h23m15s86 vlcsnap-2015-08-16-09h23m29s230 vlcsnap-2015-08-16-09h24m00s24 vlcsnap-2015-08-16-09h24m17s195 vlcsnap-2015-08-16-09h24m41s178 vlcsnap-2015-08-16-09h24m53s43 vlcsnap-2015-08-16-09h25m18s44 vlcsnap-2015-08-16-09h25m23s93 vlcsnap-2015-08-16-09h25m28s142 vlcsnap-2015-08-16-09h25m51s116 vlcsnap-2015-08-16-09h26m02s225 vlcsnap-2015-08-16-09h26m23s175 vlcsnap-2015-08-16-09h26m35s40 vlcsnap-2015-08-16-09h26m45s146 vlcsnap-2015-08-16-09h26m59s26 vlcsnap-2015-08-16-09h27m41s188 vlcsnap-2015-08-16-09h28m25s116

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here