Soomaali ku xayiran dekadda Mukalla ee dalka Yemen

1005

Guddiga  Badbaadinta  iyo Samafalka Qooxtiga ka soo cararaya  dalka  Yemen ayaa sheegay in magaaladda Mukalla  ee dalkaasi ay ku xayiran yahiin  lix kun oo qof oo qooxti ah oo oo doonaya inay ka soo baxaan waddankaas.

Batuula Sheekh Axmed Gaballe  oo xubin ka ah guddigaan ayaa Radio Muqdisho u sheegtay in  dadkaani aysan heysanin dhaqaale ay ku soo laabtaan, ayna u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

“Dadkaani ma haystaan dhaqaale ay ku soo laabtaan, howsha gurmadka ayay ka mid tahay in la caawiyo oo la soo qaado” ayay tiri Batuulo oo intaa raacisay in magaalooyin kale oo ka mid ah dalka Yemen ay ku sugan yihiin  dad kale u baahan gurmad noocaan ah.

Dhinaca kale Batuulo Sheekh Axmed ayaa go’aanka Soomaaliland ee ah inaysan soo dhaweyn doonin dadka ka soo cararaya Yemen  ku tilmaantay  mid sii adkayna xaaladda bani’aadamnimo ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed ee ka imaanaya Yemen oo u baahan gurmad deg deg ah.

“Waxaan codsan lahayn in dowladda Soomaaliland ay is-xilqaanto, oo ay u a ragto waajib saaran inay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo dabka korkooda ka shidan(colaadaha) ka soo baxaya inay ayaguna kaalintooda ka qaataan”. Ayay tiri.

Soomaali badan iyo Yamaniyiin ka soo baxay xeebaha dalka Yemen ayaa soo   gaaray magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen dagaallada ka soconaya waddankaas.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here