Soomaali shil ku gashay dalka Macedonia

1497

Ugu yeraaN 14 ruux oo muhaajiriin ah ayaa ku dhimaay kadib markii train uu ku dhacay gaari ay la socdeen mid kamid ah wadooyinka dalka  Macedonia ee galbeedka Qaaradda Yurub sida laga soo xigtay Boliiska.

Shilkan ayaa ka dhacay meel baadiyo ah oo ku dhow magaalada bartamaha dalkaasi ku taala ee Veles  habeenkii khamiista ee la soo dhaafay.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in muhaajiriintan uu diley trainka ay ku sii jeedeen dalka Greecega.

Hogaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa isku raacay talaabooyin looga hortagayo qulqulka muhaajiriinta soo marta badda Mediterranean oo u dhexeysa wadamada Liibiya iyo Talyaaniga kuwaas oo doonyo si xad dhaaf ah loo soo raray ku biimeeya naftooda.

Warraka ayaa intaa ku daraya in muhaajiriinta ku dhimatay dalka  Macedonia ay kamid ahaayeen ku dhowaan 50  ruux oo intooda badan ahaa Soomaaliya iyo Afghanistan.

Kooxaha gurmadka ayaa dadaaladooda waxaa regaadiyay dhibaatooyin ay kamid yihiin goobta shilka uu ka dhacay oo ah meel lug kali ah lagu geli karo.

Wadaha train ka ayaa sida la sheegay arkay koox gawaari ah oo meel 50m u jirta taagan isla markaana waxaa uu yeeriyay hoonka nasiibdaro dadkii qaar kamid ah ayaa awoodi waayay in ka boodaan gaarigii ay saarnaayeen isla waqtigaasi.

Train ayaa ku sii jeeday  magaalo madaxda dalka Serbian ee Belgrade waxaana uu ka yimid magaalo ku taala dalka Greek oo lagu magacaabo Thessaloniki.

Dadka ayaa ka soo cararaya dagaalo, Gaajo iyo Quursi oo ka jira Bariga Dhexe iyo Afrika kuwaas oo ku soo badanaya wadamaBalkans ayagoo u soo mara si ay u gaaraan galbeedka Yurub , waxayn maanka ku hayaan in ay nolal wanaagsanay  ka heli doonaan markii ay doon ugu soo gudbaayeen badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxeysa.

Halkii ay mari lahaayeen Turkiga ilaa Greece  isla markaana sii mara wadamada Macedonia,Serbia iyo Bulgaria si ay ugu dambeyntii u gaaraan galbeedka Qaaradda Yurub.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here