Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday goobo shidaal oo ku yaala dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

 

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

–DHAMMAAD–

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here