Suudaan oo qorsheyneysa inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobalka Tigreega ee Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa qorsheeyneysa inay muwaadiniinteeda   kala soo baxdo dalka Itoobiya,gaar ahaan gobalka Tigreega oo ay ka socdaan dagaallada dhowaan ka bilowday dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan la socoto xaaladda muwaadiniinta ku sugan gobalka Tigreega, inkasta oo gobalka laga jaray isgaarsiinta.

Bayaanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay is dejiyaan inta safaarada Suudaan ee dalkaas dhamaystireyso qorshaha lagu soo qaadaayo.

4-tii November, waxaa gobalka Tigreega ee Itoobiya ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidmada Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega kaas oo sababay in dad fara badan ka qaxaan gobalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here