Suuq Afgooye ku yaal oo dab qabsaday

0
1348

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Duhurnimadii maanta uu dab xoogan ka kacay suuq ku yaala degmadaasi, waxaana la sheegay in dabka uu ka dhashay koranto isla markaana uu baabi’iyay qeybo badan oo suuqaasi kamid ah.

Mid kamid ah dadkii goob jooga ka ahaa suuqa uu dabka ka kacay ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in dabka ilaa iyo hadda uu socdo isla markaana dadka deegaankaasi ay isku dayayaan in ay bakhtiyaan dabkaasi hase yeeshee aan wali lagu guuleysan daminta dabka.

Goob joogaha ayaa intaa ku daray in suuqa uu dabka qabsaday uu ka agdhow yahay Kontoroolka Baar Ismaaciil oo xiga wadada ka timaada magaalada Muqdisho.

“Dukaamo badan ayaa baabi’iyay ilaa iyo hadda waa uu socdaa dabka ma jiro gurmad ku filan oo dab damin ah” ayuu yiri goob joogaha.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here