Suuq shaqo abuur looga sameeyay dad danyar ah oo Baydhabo laga hirgeliyay

1728

Munaasabadan oo aheyd mid xariga looga jarayey suuq weyn oo bilihii ugu dambeeyay dhismihiisu uu ka soconayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qeybgalay qeybaha bulshada gobolka Baay iyo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka kmg ah ee koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan sate iyo xubno kale oo ka socday hay’adda ILO oo mashuuracan hirgelisay iyadoo kaashaneysa dowladda Japan

Suuqan ayaa loogu talogalay in ay ku ganacasadaan dadka dib uga soo noqonayo xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalalka Yemen iyo Kenya kuwaasoo ay hay’adda ILO horay ganacsiyo yar yar uga hirgelisay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo  Xassan Macalin Axmed Biikole ayaa hay’adda ILO  iyo dowladda Japan uga mahadceliyay sida ay shaqo abuurka ugu sameysay dadkan iyo guud ahaan dadka kunool xaafadda wadajir ee suuqan laga sameeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka koonfur Galbeed  Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan Sate  ayaa hay’adda ILO iyo dawlada Japan uga Mahad celiyey suuqan oo ah mid ay baahi weyn u qabeen dadka reer Baydhabo.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here