Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

4072

Codeynta ayaa soo ifbaxay dhammaadka maalintii ugu dambeysay ee sannadkii la soo dhaafay ee 2014-ka, waxaana soo qaban qaabiyey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  magaalada London ee dalka UK oo kaashanaya qaar ka mid ah Shirkadaha iyo Warbaahinta ka howlgasha  caasimadda dalka Ingirsiiska.

Codeynta  oo u jeedkeedu ahaa in lagu dhiirageliyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa si weyn u muujiyey dadaalka ku aaddan howlahooda shaqo, waxa ayna coddeyntu aheyd  saddex qeybood, muuqaal, maqal iyo Ra’yi uruurin, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa suxufiyiin kale oo iyagana ka howlgalla Telefishinnada Soomaalida.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Ingiriiska oo wax laga weydiiyey  cidda ay u dooran lahaayeen  in uu yahay Wariyihii ugu wanaagsanaa dhanka Akhrinta wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan 95% codkooda ku taageeray Feysal Muuse Maxamed oo ka howlgallada Warbaahinta Qaranka Somalia ee Sntv iyo Radio Muqdisho,  isla markaana Feysal Muuse u soo jeediyey in uu xoojiyo horumarka uu sameeyey.

Dhiiragelinta  Jaaliyadda  kaddib, ayeey madaxda wasaaradda oo uu hormuud ka yahay sii hayaha wasiirka Warfaafinta, agaasimeyaasha sida Agaasimaha Warbaahinta waxa uu boggaadiyey oo uu ugu hambalyeeyey Feysal Muuse Maxamed howl-karnimadii uu muujiyey sannadkii la soo dhaafay, waxa ayna ku dhiiragelinyeen in uu si laba laabbo dadaalkiisa shaqo ee dhanka u adeeggidda Qaranka Soomaaliyeed dalka iyo dibed, maadaama uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee fursaddaasi heshay.

Wariye Feysal Muuse Maxamed oo loo doortay in uu yahay Suxifiga sanadka  ee Telefishinnada Soomaalida, ayaa isaga oo ka hadlayey arrintan si weyn ugu mahadceliyey dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiska gaar ahaan Jaaliyadda London  oo uu ku tilmaamay in ay tahay Jaaliyad Soomaaliyeed oo u taagan in ay dhiirageliso Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu na farriin u jeediyey Suxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.fariin taas oo ahayd der-der gelinta Howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadkooda dhibaatda hayso

Codeynta Wariyaha ugu wanaagsan Akhrinta Wararka Telafishinnada Soomaalida ee uu ku guuleystay Feysal Muuse Maxamed, ayaa ka mid ah guulaha taarikhaga ah ee u soo hoyatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo wasaaradda Warfaafintuna ay ballanqaaday in ay xoojin doonto dhiiragelinta Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahay haddii ay muujiyaan Howlkarinimo.

Soo gudbinta warar mug iyo miisaan leh ayuu ku caan baxay wariye faysal Muuse Maxamed isagoo   ah  akhriye warar Qoraa Wabka Radio Muqdisho.net ahna War,Akhriyaha Tvga Qaranka  ayaa ah wariye u qalma qiimaynta bulshada Soomaaliyeed ee reer London u sameeyeen

Dhamaan shaqaalaha warbaahinta Qaranka ayaana u kala harin in ay farxadda la qayb sadaan walaakood faysal Muuse Maxamad oo noqday wariyaha sanadka

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Asc mashaa Allaah waa u qalmaa xatee hanaanka fadhiga labiska iyo aqrinta warka oo aad moodo in uu hore u soo xafiday wariyayaasheena Qaranka wiilasha iyo gabdhahaba waa idin jeclahay ALLE cadowgiina ha qabto xili adag ayaa na dhinac is taagteen oo aad noo dhimateen la idiin dhawacay u hiilinta shacabka intii waqtigooda galay ee ku shahiiday difaaca dalka iYo dadkaba waxaan u rajeeyey naxariistii ALLE janatu fardowsa ALLE haku abaal mariyo taariikhdaa idin xuseysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here