Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka tacsiyeysay geeridii Allaha u naxariistee Xasan Kuuriya

939

Muqdisho 4 Febraayo, 2015

Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xasan Ciise Cali (Xasan Kuuriya) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu muddooyinkii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Md, Maxamed Ibrahim, isagoo ku hadlaya magaca dhamaan suxufiyiinta Soomaaliiyeed waxa uu ka tacsi u diray dhamaan qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xasan Ciise Cali (Kuuriya), waxa uuna Alle uga baryay in uu Janatul Fardowsa ku abaalmariyo.
Allaha u naxariistee, Xasan Kuuriya waxa uu ahaa rug caddaa Saxaafadeed oo in muddo dheer ku dhex jiray saxaafadda, Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tebi doonaan.

Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here