Taariikhda Macalinkii Kubadda Koleyga Soomaaliya Cabdi Dheere oo shalay geeriyooday

522

Allaha u naxariisto Cabdi Maxamed Ciye oo bahda Ciyaaraha ay ugu yeeraan Cabdi dheere ayay Taariikhdu xusaysaa inuu ka mid ahaa Ciyaaryahanaddii iyo Tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara Ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena Soomaaliya.

Kooxdiisa kubbadda koleyga ee caanka ka ahayd Afrika iyo dalalka Carabta Jeenyo Ama shantii (5) tii Jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari jiray dhexda (Center). sidoo kale waxaa uu ahaa Tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa Ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigay.

Sida Taariikhdu xusayso marka laga hadlayo ciyaarta kubbadda koleyga ee Soomaaliya Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ama halyeeyadii ugu horreeyay ee magaca Soomaaliyeed gaarsiiya Caalamka Carabta iyo Afrikaba.

Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen kooxdiisa Jeenyo oo uu kaalin wayn uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa xulka Qaranka.

Ka dib markuu ka fadhiistay Ciyaaaraha Cabdi Dheere waxaa uu u wareegay dhanka Tababaranimada, waxaana uu ahaa Tababare aqoontiisu aad u sarreysay, guulo badanna u horseeday kooxdiisa Jeenyo iyo xulka Qarankaba.

Cabdi Dheere waxaa uu ku dhashay Magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbadda Hoose sannadku markuu ahaa 1952kii, Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay isla Mgaaladaasi Jamaame isaga oo dhigan jiray dugsigii la oran jiray “Jubba School”, kadibna dugsigii Caafimaadka ayuu u wareegay oo ay gacanta ku hayeen ajaanib isugu jiray Amerikaan iyo Canadian oo ay ahayd meeshii ugu horraysay oo uu ku bilaabo ciyaarta kubbadda koleyga, kadibna waxaa uu u soo wareegay magaalada Xamar oo uu ku dhammaystay Waxbarashadiisa dugsiga sare isaga oo ka baxay dugsigii sare ee Badda.

1984kii ayuu Cabdi dheere ka qalin jabiyay kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Lafoole isaga oo ku takhasusay Madooyinka Biology iyo Chemistry.

Tababare Cabdi dheere waxyaabaha ay bulshada Isboortiga sida aadka ugu xusuustaan waxaa ka mid ahaa: Isagoo ahaa shakhsi aad u deggan, dabeecad wanaagsan, qosol badan, Samir badan, Wadaninimadu ku dheer tahay oo aad uga dhiidhiya guul-darada, jecel ciyaartooydiisa aadna u dhiirri-galiya, soo saarista ciyaartooy cusub oo wax-tar leh.

Waxaana intaasi u sii dheeraa isagoo ahaa tababare aad u xammaasad badnaa marka la isugu yimaado goobaha ay ka socdaan tartammada Ciyaaraha.

Cabdi Dheere waxaa uu ka tagay  xaas iyo 6 caruur ah, waxaana uu ku geeriyooday  magaalada Toronto-Ontario ee dalkaasi Canada.

Waxaa soo diyaariyey Muxudiin Jaamac

Halkan ka Daawo Muuqaalka qaabkii lasoo aasay

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here