Tababar ku saabsan canshuur uruurrinta oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

1008

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta tababar u furay 70 qof oo isugu jira shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar, culimaa’udiin, ururrada haweenka iyo dhalinyarada ka dhisan gobolka, kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Maamulka Gobolka iyo saraakiil ka tirsan ilaalinta deegaanka.

Tababarkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa lagu baranayaa habka qadista canshuuraha, in dadka labaro faa’iidada ay canshuurtu u leedahay horumarka dalka iyo la xisaabtan ku aadan meelaha ay ku baxayaan canshuurta.

Agaasimaha Hay’adda BRADO Cabdullaahi Cali Jimcaale ayaa sheegay in tababarkan uu wax badan ku soo kordhin doono ka qeyb galayaasha, isagoo xusay in u jeedka tababarka uu yahay sidii loo heli lahaa qorshe ku aadan bixinta iyo uruurrinta canshuuraha.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tababar nuucaani oo kale ay marti geliyaan, waxaana uu intaa ku daray in kan maamul ahaan ay soo dhaweynayaan qabashada tababarada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda ee gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano Geel” oo furay tababarka ayaa tilmaamay in uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada si loo fahamsiiyo bixinta canshuuraha berriga, isagoo ka qeyb galayaasha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan oo waxa ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.

DSCF7471 DSCF7472 DSCF7476 DSCF7477 DSCF7478 DSCF7482 DSCF7484 DSCF7486 DSCF7494 DSCF7499

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here