Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

1043

Aqoon isweydaarsigan kusaabsanaa la socodka iyo islaxisaabtanka howlaha Booliska oo soocnayay laba maalmood ayaa waxaa maanta soo xiray wasiirkuxigeenka wasaradda amniga xukumada soomaaliya

Waxaana goob jog kahaa xubno ka kala socday maamul goboledyada dalka taliyaasha saraakiil sare oo katirsan taliska ciidanka Booliiska maamulka gobolka Banaadir xafiiska hantidhowrka xeerilaalinta shaqaalaha wasaaradda iyo ururada bulshada rayidka

Maalmaha uu socday aqoon is weydaarsiga ayaa xubnahii kaqeybgalay waxay  kadooden habka ugu wanaagsan ee loo sameyankaro islaxisaabtan dhab ah iyadoo qodobo dhowr ah laga soo saaray inti uu socday aqoon is weydaarsiga

Xildhibaan Maxamed Cabduule Geesey oo ka mid ah guddiga amniga baarlamanka soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiimtahay in ahmiyada la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga Cabdi naasir Saciid Muuse ayaa shegay in qodobada kasoo baxay aqoon is weydaarsiga ay muhiim u yihiin howlaha Boliska

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here