Tababar loo furey shaqaale cusub oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha gudaha

1693

Tababarkan  ayaa loo furay 26 qof oo ka tirsan Howl wadeenada Wasaarada Arimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya kuwaas oo ka kala socda gobolada laga saaray kooxda nabad diidka ah ee UGUS isla markaana wasaaraddu u qaadatay in ay deegaanada ay ka soo jeedaan gaarsiiyaam adeegyada bulshada.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada arimaha gudaha Cabdifitaax Daahir Mire  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka waramay u jeedada tababarkan maanta loo furey shaqaalaha cusub.

“Waxaan qabanay tababar ku saabsan xasilinta dalka oo loogu talagay howl wadeenada cusub oo kala ah xiriiyaasha bulshada deeganka  iyo kaaliyaasha dib-uheshiisinta  iyo maamulka deegaanka ee degmooyinka dib loola wareegay ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya” ayuu sheegay Mire.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha  Dr Ismaacil Jimcaale Calasow oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay  in Wasaarada aysan ku ekaan doonin deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada UGUS  balse  gobolada dalka oo idil la doonayo in dadka ku nool laga dhaadhiciyo ahmiyada ay leedahay dowladnimada.

Xilidhibaan Daahir Amiin Jeesow gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha ee  Barlamaanka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay howl wadeenada cusub ee wasaarada arimaha gudaha in ay u istaagan sidii dadka Soomaaliyed ay heli la haayen Maamul wanaag ku dhisan Cadaalad.

“Waxaan idin ka codsanaaya deegaanka aad ku laabaneysaan inaad dadka aad wadanimada ku beertaan in dadka in iyaga  wax qabsan karaan in aad ku beertan  inaad dadka tustaan maamul wanaag inuu yahay jidka kaliya looga gudbi karo dhibaatadii aan soo marnay waxaan idin ka codsanaaya mar labaad iyo mar sadaxaad in aad u badataan jidka cadaalada.” waxaa sidaa sheegay Xildhibaan Jeesow.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo fedraalka ee dowlada Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed  ayaa mar uu ka hadlaayay furitaanka tababarkan ayaa tilmaamay  in Wasaarada ay la xisaab tami doonto howl wadeenada looga talogalay in ay ka howl galaan deeganada iyo degmooyinka laga xoreeyay Maleeshiyaadka UGUS.

“Ninkii howshiisa qabsan waaya xilkiisa ayuu weynaaya macquul ma ahan mashruuc laga shaqeeyay waqti la galiyay dhaqaale ku baxay fikir ku baxay inaan la fulinin macquul ma ahan” ayuu yiri Maxamed wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo federaalka.

Dowlada Federaalka  Soomaaliya ayaa dhowaanahan waday qorshayaal lagu horumarinaayo degmooyinka iyo gobolada dalka iyo in sidoo kale dad la gaarsiiyo nidaamka dowladnimada si sanadka 2016-ka uu dalka loogu qabto doorasho Xor ah oo ay ka wada qeybqaatan dhamaan muwadiniinta Soomaaliyed ee ku nool guud ahan Dalka.

W/D: Nuur Saciid

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here