Tababar loo qabtay arday wax ka barata jaamacahada Muqdisho+Sawirro

6075

Tababar ay ka faa’ideysteen in ka badan 200 ardey oo wax ka barata jaamacadaha Muqdisho gaar ahaan kuliyadda Ingineerinka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababrkan oo hal maalin ahaa ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo tayeeyn lahaa aqoonta ardayda baratay Injineernimada, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

C/naasir Axmed Maxamed oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigta jaamacadaha Muqdisho oo casharro ka bixinayay tababarkan ayaa shegey in dalku uu xilligan ku jiro dib u dhis,  loona baahanyahey in la helo dhismooyin tayadoodu wngsantahey.

“Dhalinyarooy wadankeena waxa uu ku jiraa xiligii dib u dhiska iyo hagaajinta daarihii uu lahaa ee bur buray, waxaana fursad u heysataan inaad wax ka dhistaan wadooyinkiisa dabaqyada wadanka bilicdiisa kor u qaadeysa” ayuu yiri C/naasir Axmed.

Qaar ka mid ah ardaydaasi tababarka loo qabtay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin aqoonta ay ka kororsadeen halkaasi iyagoo tilmaamay iney hormuud u noqon doonaan dib u dhiska dalka hooyo.

Godoomiyaha ururka siminaarkan soo qaban qaabyey Qaasim Xaaji ayaa sheegay in ujeedada ay tababarkan uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda  islamarkaana loogu baraarujin lahaa sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

vlcsnap-2016-09-23-14h28m45s689 vlcsnap-2016-09-23-14h29m16s274 vlcsnap-2016-09-23-14h29m48s249 vlcsnap-2016-09-23-14h30m13s782 vlcsnap-2016-09-23-14h30m56s337 vlcsnap-2016-09-23-14h31m31s184 vlcsnap-2016-09-23-14h32m07s541 vlcsnap-2016-09-23-14h32m58s975 vlcsnap-2016-09-23-14h33m12s183 vlcsnap-2016-09-23-14h33m44s739 vlcsnap-2016-09-23-14h34m28s207 vlcsnap-2016-09-23-14h34m40s697 vlcsnap-2016-09-23-14h34m55s500 vlcsnap-2016-09-23-14h35m14s622 vlcsnap-2016-09-23-14h35m30s348 vlcsnap-2016-09-23-14h35m37s560 vlcsnap-2016-09-23-14h35m55s982 vlcsnap-2016-09-23-14h36m04s290 vlcsnap-2016-09-23-14h36m15s173 vlcsnap-2016-09-23-14h36m31s435 vlcsnap-2016-09-23-14h36m45s395 vlcsnap-2016-09-23-14h37m09s066

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here