Tababar maanta loo furay shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

0
1612

Mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta DHaqanka iyo Dalxiiska ayaa maanta Tabbar aqoon kororsi ah u furtay shaqaale ka tirsan wasaaradda.

Siminaarkaasi oo ay soo qaban qaabisay waaxda tabarada ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, oo socona doona mudo shan cisha ah ayaa waxaana furitaanka ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Mudane C/risaaq Cali Yuusuf.

Agaasimaha Guud ayaa waxa uu yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay tabarka nuucan oo kala ah oo aqoonta shaqaalaha wasaarada kor loogu qaadayo, run ahaantii waa fursad fiican oo ka faa’iideysi mudan waxaad maanta barataan beri ayay idin an facayaan, waxaa leedinka doonayaa waxaad soo barataan in aad uga faa’idieysaan shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan in ay ka soo qeybgalaan siminaarkaan”.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaanka siminaarka Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfiinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan”Beekoos” oo isna ka qaybgalayaasha la dar daarmay, isagoo xusay in ay ka faaidaystaan tababarkaasi, maadaama aysan aqoontu dhammaan, isla markaana ay dhowraan waqtiga uu socdo siminaarka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here