Tababbar la xiriira gudashada acmaasha Xajka oo la soo gabo gabeeyay

1040

Tababbar ku saabsan hanaanka loo marayo gudashada  Acmaasha Xajka ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

Tababbarka oo uu soo Agaasimay Machadka Tababbarka Xujeyda Soomaaliyeed ee SAFA ayaa lagu baranayey maalmihii uu ka soconayey Muqdisho shruudaha looga baahanyahay dadka Soomaaliyeed ee soo gudanaya waajibaadka Xajka, iyada oo dadka lasiiyey tusaalooyin maqal iyo muuqaal ah oo muujinayey hanaanka iyo waxa ay tahay in ay la yimaadaan marka ay gudanayaan acmaasha Xajka.

Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo bixinayey tababbarka, kana mid ah Aas Aasayaasha Machadka SAFA ayaa Warbaahinta Qaranka sheegay in ujeedka tababbarka uu la xiriiro sidii bulshada loo fahamsiin lahaa sharuudaha looga baahanyahay.

Dadkii ka faaiideystay mudada uu socday tababbarka ayaa sheegay in ay barteen  waxyaabo muhiim ah oo u sahlaya in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka Xajka.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here