Tacliinta Soomaaliya qeybta 1-aad (Maqaal)

810

HORDHAC 

Tacliintu Waa nidaamka Waxbarashada ee wadanka Soomaaliya Sida saxda ah, Wasaaradda Waxbarashada ayaana ka mas’uul ah dhammaan tacliinta iyo waxbarashada wadanka Soomaaliya, taasi oo ay ku baxdo qiyaas ahaan ilaa 15% miisaaniyada dowladda.

Waxbarashada Soomaaliy taariikhiyan waxaa lagu sheegaa askunkeeda inay ku salaysneyd barashada Qur’aanka iyo guud ahaan diinta. Xiligii bulsho wada degan ay abuurmatay, waxaa waxbarashada ku soo kordhay aqoonta bay’ada iyo ka faa’iidaysiga cilmigi falaga aqoontaas oo ahayd mid jiilba jiil u gudbiyo. Soomaalida oo ah dad allif badan, xaga xasuusta iyo xifdigana ku wanaagsan, waxaa degmo walba u hana qaadi jiray ragg ama dumar loogu yimaado aqoonta ansixisa geedi socodka wanaagsan iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha, sida reerka xageebuu u guuri sanadkan iyo colaada iyo colka na soo hayo xageebaan kaga fogaanaa. Dhaqanka Islaamka oo ah mid brra shaqsiga iyo bulshada dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ee maslaxada ugu jirto.

Haddaba waxaan Bogga Wakaaladda SONNA ku soo bandhigi doonnaa Qoraalo ka hadalaya Tacliinta Soomaaliya:-

  1. Xiillgii Gumeysiga ka hor.
  2. Xilligii Gumeysiga.
  3. Xilligii Xorriyadda.
  4. Xilligii Xukuumaddii Kacaanka.
  5. Xilligii bur-burka Dowladdii Kacaanka kadib.
  6. Iyo Tacliinta maanta.

 qoraalkan aan idiin soo gudbin donna waa qeybtii 1-aad.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA GUMEYSIGA KA HOR

Waxbarashada cilmiga diinta iyo aqoonta kale ee Seyniska iyo Tiknolojiyada, waa kuwo la soo ifbaxay  abuuritaankii  aadanaha oo wehel looga dhigay duni ka kooban dhul Berri ah,Bad iyo Cir,isla markaana u baahan in mid kasta loo derso qaab sameyskiisa,laguna maareeyo nolosha guud, iyadoo laga fogaanayo ama laga hortagayo intii surtagal ah caqabadaha ku xeeran dabeecadaha koonka.

Bulshada Soomaaliyeed,waxa ay ka mid tahay shucuuubta caalamka ee soo maray barashada heerarka kala duwan ee loo qaato nuuucyada aqoonta,haddeey ahaan laheyd midda oraahda ee lagu gudbiyo afka  iyo tan qoraalka oo la helay xilligii hore ee bilowga aadanaha.

Waxaa dhab ah oo marag-ma doonto ah in  Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya laga dheehan karo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada,inkastoo aragti ahaan lagu kala duwan yahay xilligga  ay soo bilaabatay waxbarashada bulshada Soomaalida oo dadka qaar ayaa qaba in ay la fac tahay dhalashada diinta islaamka,halka kuwo kale ay rumeysan yihiin in ay soo jirtay 3-kun oo sano ka hor.

Marka laga yimaado taariikhda barashada qoraalka cilmiga ka sokoow,dadka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay ahaayeen kuwa aqoon gaar ah u lahaa barashada cilmiga falagga iyo aqoonta nuucyada dhirta ee loo isticmaalo daaweynta iyo kuwa lagu sumeeyo xayawaanada ama dagaalada cadowga.

Aqoonta ama waxbarashada laga kala dhaxo waxaa soo gala yeelashada qoys walba ama degmo walba waxaa ay ku qasbanayd inay yeelato odayaal magac iyo maamuus leh oo ka taliya samaha degta iyo deggaha dariska la ah ama bulshada guud ee haybta ama deegaanka baahsan wadaagta. Tacliintaan waxay ka bilaabanaysay, kow barashada diinta, labo fariisiga geedaha garta lagu gooyo ama guryaha caaqlida oo mar walba laga faa’iido taariikhdii hore iyo saadaasha waxay tahay.

Takhasus la barto ayay noqdeen dhamaan adeegyada xirfada ku salaysan sida abaanduulenimada iyo u dhuundaloolida heshiisyada iyo cilaaqaadka waara. Berigii dambe ee ay qeexnaatay waxa bulsho ay tahay iyo hogaankeeda, iyo tartankii ka samatabixinta bulsahda dhibaatooyinka soo noqnoqda. Waxaa dadaalkaa horseed u noqday hogaankii ka jiray Khaliifada Islaamka. Waxaa bilowday in cudurada faafo karantiil lagu sameeyo iyo ka hor tagooda. Sidoo kale waxaa balaartay qiimaynta dadka cudurada dabiibiya oo uu ugu horeeyay Nebigeena Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee. Laga soo bilaabo dhalashii diinta ayaa horumar muuqada laga gaaray arimo badan oo nolosha bulshada la xariira. Yaraynta gaajada, barashada taxadarka guud iyo is daaweynta intaba sunnada ayay ku jiraan.

Tacabka beeraha, gaashaandhiga iyo abuuris ama tartan gaashaanbuur ayaa meel walba ka bilowday. Kacaamadii la soo maray waxaa ugu horeeyay Kacaankii Beeraha. Muddo hadda laga joogo 1200 kun labo boqol oo sano ayay deegaanada waaweyn ee hadda Soomaalida degan tahay waxaa ka bilowday in aqoon sideedaba la qiimeeyo. Noloshii ayaa u kala baxday reer magaal iyo reer guuraa.

Dad badan oo socoto ah,dowlado iyo Boqortooyo awood leh oo  xiriir la lahaa Soomaaliya,ama qaab ganacsi kala dhexeeyay ayaa ka qeybqaatay faafidda waxbarashada cilmiga ee dadka,waxayna dalka ku soo gashay seddex weji ,tusaale ahaan dhulka  waxaa aqoontu ay ku soo hormartay Magaaloyinka xeebaha leh ee daslka.

 

Magaalooyinka dhul xeebeedyada ah ee ay ka bilaabatay barashada diinta islaamka,waxaa ugu muhiimsan ee laga soo qaadan karaa Seylac,Berbera, Warshiikh, Banaadir, Marka, Baardheere iyo kuwo kale, halka deegaanada Beeraleyda ah iyo Baadiyahaba ay ku timid  si gaabis ah.

kun iyo afar boqol oo sano muddo laga joogo, ayaa lagu qiyaasaa in dadka Soomaaliyeed ku soo baraarugeen markii ugu horeysay qoraal rasmi ah oo loo adeegsado barashada diinta islaamka iyo kutubka Qu’raanka ah, iyadoo faafidda diinta ay door muhiim ah ku lahaayeen culumaa-udiin badan oo ay ka mid yihiin;-Sheekh Yuusuf Alkowneyn, Sayid Maxamed C/lle Xasan , Sheekh Bashiir,Sheekh Xasan Barsane,Sheekh Daa’uud Culusoow iyo kuwo kale.

Macallinka ayaa ahaa xubinta ugu firfircoon ama ugu muhiimsan bulshada Soomaaliya,isagoo kaalintiisa matalaadda lagu tilmaamo Aaabaha labaad ee xagga tarbiyeynta ubadka,waxaana aqoonta kala duwan ee ay lahaayeen macalimiinta Soomaaliyeed ee xilligaa,lagu tilmaamay in ay gaarsiisneyd heerarka  Jaamacadaha Al-azhar(Nasar) iyo tan Sacuugiga ee Umul Quraa .

WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII GUMEYSIGA

 Laga soo bilaabo sanadkii 1884-tii oo aheyd markii

Gumeysigii reer Yurub,gaar ahaan dalalka Ingiriiska,Faransiiska iyo Talyaaniga ay  qaybsadeen dhulka Soomaaliya, Jabuuti,Waqooyi iyo Koonfurta.

Gumeystihii ayaa waxay dhammaan dhulalkii ay qeysadeen ka bilowday waxbarasho kooban oo ujeedada laga lahaa ay aheyd sidii loo heli lahaa dad tarjubaano ah oo isku xira gumeysiga iyo bulshada Soomaaliyeed,si loo meelmariyo damaca been abuurka ahaa ee ay lahaayeen dalalka reer Yurub iyo hadafkooda gurracnaa ee ay ka lahaayeen xeebaha badda cas,Hindiya iyo tan medetereniyamka, gumeyste walba waxa uu watay manhaj isaga u gaar ah iyo Luuqaddiisa, mana bari jirin wax ka baxsan Karaaninimo, Cunto kariye iyo Waardiye.

Dalalkii reer Yurub ee qabsaday Geeska Afrika,waxa ay deegaanada Jabuuti,Woqooyi Galbeed iyo Koonfurta Sooomaaliya ka bilaabeen dhismaha dugsiyo ku dhexyaal Kaniisado oo ay maamulaan wadaado Kirishtaan ah,si loo helo caruur lagu barbaariyay diintooda iyo kuwo u khidmeeya gumeysiga,waxaana aalaaba goobahaasi waxbarasho la geyn jiray ubadka ay dhalaan shaqaalaha dalalkaasi iyo ilmaha  darbiyo jiifka ah ee aan laheyn meel ay u ciirsadaan.

Mashaa’iikh fara badan oo taageero ka heysta dadka Soomaaliyeed ayaa u istaagay in ay ka hortagaan qorshaha gumeysiga ee uu ku doonaayey in uu ku helo caruur badan oo raacsan diinta Kirishtaanka,waxaana qaar ka mid ah ay kala horyimaadeen dagaal toos ah oo ay la galeen gumeysigii Faransiiska,Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxayna u diideen inay Ubadkooda geeyaan Dugsiyadaasi.

Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida kadib, caalamka waxaa soo maray ama soo ku dhuftay  dabeyl caafimaad oo wadata xorriyad,,taasoo qasabtay in dalalka Yurub  ay la soo baxaan xeelado cusub oo lagu yareynaayo cadaadiska ay ku hayeen dadka la gumeysto,waxayna hirgaliyeen Mac-hadyo iyo goobo waxbarasho oo ay ku aflaxeen dhallinyaro badan oo Soomaali ah, sida dugsiyada Camuud iyo Sheekh oo ku yiilay gobolada Waqooyi iyo kuwo dhaca gobolada Koonfureed ee gumeysiga Talyaaniga ay ka hirgeliyeen Banaadir,Marka,Jowhar,Kismayo,Hiiraan,Beydhabo iyo kuwo kale, mana jirin xilligaasi wax Tacliin sare ah, waxaase Ardeyda ka baxda Dugsiyadooda loo qaadi jiray Wadamada Dibadda.

Dadka fara ku tiriska ah ee laga dhaxlay aqoonta maadiga ah ,isla markaana wax bartay xiligii gumeysiga,loona aqoonsaday aabayaasha waxbarashada waxaa ka mid ah;Max’uud Axmed Cali oo ka soo jeeda gobolka Woqooyi galbeed iyo Macallin Jaamac Bilaal oo Koonfurta ah,kuwaas oo dalka ku baahiyey tacliinta casriga ah ee haatan lagu dhigto dugsiyada dalka, waxaana lagu tilmaamaa Aabayaashii Waxbarashada Dalka Soomaaliya.

La soco qeybta 2-aad.

W.D Shire Xasan Kulmiye.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here