Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray askari boolis ah oo ruux shacab ah dhawaan ku dilay isgoys-ka Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiiq Aadan Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 15-kii bishan degmada Dharkeynley laga qabtay dhagar qabe ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo ka howlgali jiray kolkii hore gobolka Hiiraan kaasi oo dilal qorsheysan ka geystay magaalada Muqdisho

“15-kii bishan ciidamada booliska waxa ay gacanta ku dhigeen dhagar qabe ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxa uu dilal qorsheyn ka geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Dharkeynley, waxaana lagu magacaabaa Xasan Cabdullaahi Salaad oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (Bukhaari) isaga iyo labo kale oo ku guda jira fal lid ku ah amniga” ayuu yiri Afhayeenka booliska.

30-ka bishii May Hogaanka baarsta ee CID waxa ay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen inta u dhexeyso Ex-koontarool Afgooye iyo Dharkeynley ku bur buriyeen shabakado ka shaqeynayay falal amni darro ah ku howlanaa, isagoo intaa ku daray in ciidanka ay heleen xogta dhagar qabayaasha shabakadahaas ka howlgalayay.

“11-kii bisha May qolyo burcad ah waxa ay wiil dhalinyaro ah ka kireysteen Mooto Bajaaj, oo ay geeyeen Dabakaayo Madow, halkaasi ayayna ku dileen wiilkii ay mootada ka kireysteen, kadib ciidamada booliska ayaa ku qabtay degmada Xamar Jajab labadii burcadda ahaa, waxaana haatan la horgeynayaa maxkamadda si loo marsiiyo ciqaabta ay mudanyihiin” ayuu yiri Sadiiq

Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay askari dil bareer ah u geystay Aabe Soomaaliyeed oo meherad yar ku lahaa agagaarka Ceelgaabta, kaasi oo ay haatan ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

“16-kii bishan June ayaa askari ka tirsan ciidanka qalabka sida waxa uu si wuxuushnimo ah, oo arxan darro ah ku dilay Aabe Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay isgoyska Ceelgaabta, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka Saldhiga Booliska degmada Xamar Jajab mar uu isku dayay in uu baxsado, waxaan xusid mudan in askari hadda gacanta lagu hayo, waxaana sidoo kale loo heystaa fal dambiyeed kale oo uu kal hore geystay, waxaana la marsiin doonaa cadaaladda”.ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka ciidanka booliska Sadiiq.

Afhayeenka ayaa xusay in Taliska booliska ay ka go’antahay inay gacan  bir ah ku qabtaan cidkasta oo dhibaateysa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here