Dhageyso:Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo guulo ka gaaray Dagaal Maanta ka dhacay G/hoose

3445

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Guulo ka sheegtay Dagaal Saaka Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Barriire ee Gobolkaasi.

Generaal Sheegow Axmed Cali oo ah Taliyaha guutada labaatanaad “20” ee Ciidamada Xoogga Dalka la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay Khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Saaka weerarka kusoo qaaday Barriire.

Generaal Sheegow waxaa uu tilmaamay in ay dileen Saraakiil Sar sare oo hugaaminaayay Maleeshiyada kuuwaa soo ay ka dileen Sida uu sheegay Taliyihu dagaalamayaal gaaraya ilaa labaatan askari.

Dhagar qabayaal ka tirsanMaleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa Aroor hore Saaka weerar ku qaaday deegaanka Barriire oo fariiso Ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaasoo uu ka dhacay Dagaal Saacado qaatay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Deegaanka Barriire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaaa ka mid ahaa deegaanadii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen Nabad diidka Al shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso taliye sheegow Axmed Cali:

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here