Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxa lagu weeraray Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weeraray kolanyadda taliyaha oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir.

Xilliga qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo marayay inta u dhaxeeysa Isbitaalada Banaadir iyo Madiina.

“Weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa ayaa lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud Qaroole, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ayaa lagu yiri” Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here