Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto, Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed (Kaanti) iyo mas’uuliyiinta Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa Dhagax dhigay xarun cusub oo uu yeelan doono taliska qeybta 21-aad.

 

Taliyaha qeybta 21-aad , Jenaraal, Yuusuf Kaanti, oo Dhagax dhiggaasi uga warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu horreyn u mahad celiyay maamulka Degmada Cadaado Dhulka ay Ciidanka xoogga Dalka ugu deeqeen iyo sidii ay u Garab istaageen.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay ka go’an tahay dhismaha, dejinta iyo horumarinta Ciidanka xoogga Dalka, una diyaar garoobaan howl-gallo ka dhan ah cadowga Al-Shabaab, isagoo intaa raaciyay in aysan ka harayn Al-Shabaab meel kasta oo ay tagaan.

Jenaraal; Yuusf Kaanti, ayaa dhinaca kale sheegay in ay wax ka qaban doonaan shaqaaqooyinka Hubeysan ee dhex mara Beelaha Gobolka wada dega, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay ku tala jiraan sidii Malleeshiyaadka huriya colaadaha loo Qaramayn lahaa, si ay uga mid noqdaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya.