Taliska CXD oo magacaabay Taliyaha qeybta 27aad ciidanka

1960

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  Sareeye Gaas  Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod,  ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 27-aad, waxaana loo Magacaabay Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto oo horay u ahaa Abaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo lasoo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,  ayaa lagu Magacaabay Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto.

Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ah qeyb Cusub, waxaana ay ka howl gali doonaan Deegaanada Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here