Taliska qeybta guud ee booliska oo soo bandhigay gaariga laga tuuriyay hoobiyaha “SAWIRRO”

8368

Ciidamada Booliska ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari nooca Dadweynaha ee loo yaqaano Mini Bus oo uu saarnaa Qariga Hoobiyaha ee loo adeegsada madaafiic caawa meelo ka mid ah Muqdisho ay ku soo dhaceen, gaar ahaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, halkaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen toban kale.

Taliyaha qeybta guud booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu qabtay gaariga ay wateen dhagar qabayaasha ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah uu ahaa kii ay maleeshiyaadka Shabaabku ku qal qal gelinayeen amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka booliska ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda gaariga.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda gaariga wadatay ay gaarayeen afar ruux, kuwaasi oo labo ka mid ah iyaga oo dhaawac ah la geeyay goobaha caafimaadka, oo lagu dabo joogo,.

Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Kooxda madaafiicda tuureysay,iyagoo marki dambe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaariga ay wateen iyo hoobiyeyaashii saarnaa, kuwaasi oo taliska qeybta guud ee gobolka uu saxaafadda u soo bandhigay.

vlcsnap-2016-04-07-22h54m53s188 vlcsnap-2016-04-07-22h53m56s130 vlcsnap-2016-04-07-22h53m39s224 vlcsnap-2016-04-07-22h53m33s159 vlcsnap-2016-04-07-22h52m55s34 vlcsnap-2016-04-07-22h52m47s207 vlcsnap-2016-04-07-22h52m34s81 vlcsnap-2016-04-07-22h52m28s17 vlcsnap-2016-04-07-22h52m21s206 vlcsnap-2016-04-07-22h51m14s47 vlcsnap-2016-04-07-22h51m06s224 vlcsnap-2016-04-07-22h50m52s85 vlcsnap-2016-04-07-22h50m45s16 vlcsnap-2016-04-07-22h49m50s231 vlcsnap-2016-04-07-22h49m43s160 vlcsnap-2016-04-07-22h49m33s67 vlcsnap-2016-04-07-22h49m25s244 vlcsnap-2016-04-07-22h48m52s167 vlcsnap-2016-04-07-22h48m39s32 vlcsnap-2016-04-07-22h48m31s211 vlcsnap-2016-04-07-22h48m28s184

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waa inaan helaNa gariga yalaha yuu udiwangalsana xagee ku xaronjirey guri mise garash? ????
    Mahad ilaah kasokow cidanka sarakisha shaqoda qabtey dadka kaqeybqatay waa in labalmariya dadka wacyigalintoda waa in lakordhiya si sojedin qofkasta waxu wata tlf farimaha halohu diro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here