Taliyaha booliiska oo maanta la kulmay saraakiil ka tirsan Interpol oo Muqdisho yimid +Sawirro

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda hey’adda booliiska adduunka ee Interpol oo yimid dalka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga booliiska Soomaaliya iyo hey’adda Interpol.

Booliiska Soomaaliya waxaa uu xubin ka yahay hey’adda Interpol oo ah hey’ad ay ku mideysan yihiin booliiska caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here