Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

1392

Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ay wehliyaan Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating iyo saraakiil kale.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here