Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo booqday Xarunta Ciidanka Talyaaniga ay ku leeyihiin Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Boliiska sarreeye gaas, Cabdi Xasan Mahamed Xijaar) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqday Xarunta  Ciidanka Talyaaniga ( Carabinier-ga) ay ku leeyihiin Jabuuti, halkaas oo laga abaabulo Tababarada la siiyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaa Taliyaha ku Soo dhaweyay xarunta Col, Mario Ligi kaas oo ahaa madaxa howgalka Taliyaaniga.

Kulan dhexmaray labada taliye ayaa  looga hadlay sidii horay loogu sii wadi karo tabarada ay saraakiisha talyaanigu siiyaan Ciidamada  Booliiska       Somaliyeed.

Taliska ciidamada talyaaniga ee jooga dalka Jabuuti ayaa dhankooda balan qaaday in ay sii wadi doonaan tabarada ay siiyaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta tayeynta ciidamada nabad galyada, si loo soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here