Taliyaha ciidanka booliska oo faray booliska inay xoojiyaan Nabadgelyada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Nabadgelayda, isla markaana looga hortagayo falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, maadaama lagu guda jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here