Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay

0
1012

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyada.

Taliyaha, ayaa Hey’addaasi kala hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, taageerada booliska Soomaaliya ee dhinaca dhismaha, tababarka iyo Qalabeynta Ciidanka iyo taakuleynta laamaha ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Qaramada midoobay sida hagar la’aaneed ee ay uga qeyb qaataan Horumarka dalka iyo taageerada ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here