Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer ku tagay Afgooye+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Boliiska ayaa maanta safar shaqo iyo kormeer ay ugu kuur galiyeen xaalada amniga ku tagay dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay sameeyeen fatahaadda  wabiga shabeelle uu ka qeybstay qeybo ka mid ah degmada waxaana sidoo kale isaga iyo saraakiishiisa ay tageen Saldhiga Boliiska iyo Taliska Darwiishta Afgooye. Isla markaana, warbixin ka dhageystay gudgoomiyaha Degmada, Taliyaha Saldhiga Degmada iyo Taliska Daraawiishta, maadaama ay Ciidanka Daraawiishtu hada la howlgalaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya general Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Saraakiisha kula dardaarmay inay sugaan. Isla markaana, u gargaaraan dadka ay fatahaaddu saameysay si mucaawinada Dowladdu ay si xasiloon ugu gaarto, bacdamaa waajibaadka Ciidanka Boliiska uusan ahayn oo kali ah sugida amaanka, ee uu yahay ugargaarida kana Soo warbixiyaan xaaladaha degaamada ay ku suganyihiin.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer amniga lagu xaqiijinayo ku kala bixiyay Degmooyinka ,Kaxda,Dharkeynle iyo wadjir ee Gobolka Banaadir isagoo dhammaaan saldhigyada iyo goobaha lagu amaanka kala hadlay ciidamada Booliska inay xooggiyaan howlaha lagu sugayo Amniga Caasimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here