Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku sugan magaaladda Baydhabo, halkaasi oo uu u tagay ka qeyb galka shirka Golaha amniga Qaranka, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha, ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Talisyadaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo askar Ciidanka Booliska qeybta Koofur galbeed ka tirsan.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa khudbad dheer u jeediyey Ciidanka ka howlgala Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska Baydhabo, waxaana uu kula dardaarmay in shaqada la dardar geliyo, isaggoo xusay in asakarigii shaqo wanaagsan qabtaa Qaranka abaal marin uu siin doonno.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here