Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Hambalyo Sanad-guuradda 60-Aad ee Ciidanka Xoogga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeyay Sanadguurooda 60-aad oo ku beegan 12 April 1960-kii

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabada qiimaha badan ee aas aaska oo sanada jirsaday 60-sano .

Taliyaha ayaa saraakiisha ,saraakiil xigeenada ,Dableyda, Alif leyda iyo waliba qoysaskooda ayaa hambayo u diray dabaal degi sanad guurada Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage

“Waa maalin ku weyn dadka Soomaaliyeed iyo Ciidanka xooga dalka Maanta waayo waa maalintii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka oo sanad jirsaday 60-sano”

 

“Runta waxaan u diyar garoownay bandhigyadii farxada munaasabada Ciidanka Xoogga balse anagoo qaadaneyno amarka madaxda iyo fariimaha wacyi gelinta awgeed  taasi oo ah ka hortaga Cudurka qatarta ah ee  Coronavirus waxaana hakinayay Bandhigyadii waa weynaa balse waxaan bogaadineynaa howl-gallada ay ku jiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed “

Halkaan ka dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeyay Sanadguurooda 60-aad oo ku beegan 12 April 1960-kii

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here