Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Difaacyada Ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Dhanaane.

663

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeeray deegaanka Dhannaane ee Gobolka Shabellada hoose.

 

Deegaanka Dhannaane ayaa ka mid ah deegaano dhawaan nabad diidka Al-shabaab laga xureeyay.

General Daahir Aadan Cilmi ayaa mid mid u kormeeray Difaacyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna Halkaasi ku dhiira geliyay Ciidamada Howlgalada ka wada deegaanka Dhannaane.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kula hadlay jiida hore ee dagaalka deegaanka dhannaane, isagoona sheegay inb dhawaan Al-shabaab laga saari doono dalka

General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa bogaadiyay sida geesinimada ah ay Ciidamada Xoogga Dalka ay u fuliyeen Howlgalka deegaanka Gandarshe lagu xureeyay, isagoona tilmaamay in nabad diidka Howlgalkaasi lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indha-qarshe waxa uu ka hadlay dhibaatada nabadiidka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ugu Baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here