Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Khadka Internetka kaga qeyb galay Shir looga hadlayay wada shaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Amisom “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Khadka Internetka kaga qeyb galay Shir looga hadlayay wada shaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Amisom.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Afrika, waxaana ka qeyb-galay Taliyeyaasha Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Amisom, Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaa looga hadlyay Shirkaan wada shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom, siddii loo dardar gelin lahaa howlglada dalka looga Xoreynayo maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa shirka ku wehlinayay Agaasimaha guud wasaaradda gaashaandhiga XFS iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga.

 

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here