Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay “Sawirro”

4727

Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa maanta booqday Deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Muqdisho oo xalay howlagalo ammaanka lagu xaqiijinayo Ciidamada Ammaanka ay ka sameeyeen.

Taliyaha NISA oo u kuur galayay  xaaladaha ammaan ee ka jira deegaanka Ceelasha biyaha ayaa dadka shacabka ah ka xog wareysanayay xaalada la xiriira ammaanka iyo haddii ay jiraan caqabado ay tirsanayaan, taasi oo dadka deegaanka ay ku tilmaameen mid niyad wanaag ah oo ka turjumeyso sida Dowladaa ay ugu fikireyso ammaankooda.

Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa intii uu ku sugnaa Deegaankaasi waxa uu booqday xaruumaha ganacsiga,xaafadaha ay ka koobantahay,hoteelada, Masaajido ku yaala Ceelasha, iyo meela kale, waxaana dadka uu kula kulmo uu u sharaxayay muhiimada ay leedahay in qof kasta uu ka shaqeeyo sugida amniga.

Mid ka mid ah masaajidada ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ayaa Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare kula dukaday salaada casir jameecada masaajidka, iyadoo dadkii u cibaada tagay masaajidkaasi ay warbxin la xiriirta sida ay u ayidsanyihiin dar dargalinta sugida amniga siiyay, waxaana ay u balanqaadeen in si toos ah hey’adaha ammaanka ay kala shaqeynayaan xaqiijinta ammaanka.

Booqashada uu booqday maanta Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare Deegaanka Ceelasha biyaha iyo ka xogwareysiga dadka shacabka ah amniga ayaa qeyb ka ah soo bandhigida amniga buuxa ee ka jira magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku yaala duleedka caasimada.

vlcsnap-2015-06-05-18h53m08s27 vlcsnap-2015-06-05-18h53m40s120 vlcsnap-2015-06-05-18h54m11s143 vlcsnap-2015-06-05-19h06m16s203 vlcsnap-2015-06-05-19h07m09s252 vlcsnap-2015-06-05-19h07m23s117 vlcsnap-2015-06-05-19h08m01s250 vlcsnap-2015-06-05-19h08m23s219 vlcsnap-2015-06-05-19h08m36s95 vlcsnap-2015-06-05-19h08m58s53 vlcsnap-2015-06-05-19h09m55s117  vlcsnap-2015-06-05-19h11m09s95 vlcsnap-2015-06-05-19h12m10s158

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Geesiyaasha NISA waxay muujiyaan wadaniyad iyo dadaal har iyo habeen socda si ay ummadda ka badbaadiyaan munaafiqiinta UGUS iyo dhagarta ay u maleegaan qaranka soomaaliyeed.
    Waxaa waajib ku ah inta jecel nabadda iyo wanaagga ummaadu inay garab iyo gaashaan u noqdaan NISA gacanna ka siiyaan dadaalka ay u hayaan ummadda iyo qaranka soomaaliyeed.
    Waxa kale aan ka codsanayaa fannaaniinta mu,allifiinta iyo abwaanada soomaaliyeed heeso,gabay,geeraar,iyo guurowba ku gacan siiyaan geesiyaasha,naftood hurayaasha NISA.
    Dawladda Federaalka waxaa waajib ku ah inay ku dadaasho dhirigelinta iyo daryeelka hey,adda NISA,tiradoodana la badiyo tababar heer sarena la siiyo si ay u gudtaan shaqadooda.wbt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here