Taliyihii Taraafikada oo Muqdisho lagu aasey

0
1242

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Allaha u naxriistee meydka Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,siihayaha taliyaha ciidanka booliska,odayaal ehelad amarxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay aaskaasi waxaa ay eebe uga baryeen in uu Janadii fardowsa uu ka waraabiyo marxuumka, oo u geeriyooday xanunnka Cancerka oo in muddo ah haayay.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusgnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana  lagu wadaa in maanta maydkiisa lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeybgalidoonaan aaskiisa saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali(CaliShari

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here