Tartamaayasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

2986

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii shanaad ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Dhuusamareeb VS Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb VS Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dhahar, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqoneysaa toban (10) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxaana su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen shan su’aal, waxaana ay iska qaldeen Labo su’aal, waxaana ay ka faa’iideysteen u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Dhuusamareeb, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Dhahar ay noqotay toban iyo labo (12) dhibcood waxaana tartamayaasha Degmada Dhahar ay u soo gudubtay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka Lixaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Kaxda Vs Xamar weyne oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. asc dhamaan bahda idaacada waxaan aad idinkugu hambalyeenayaa dadaalka aad wadaan iyo is dhexgalka gobolada somaaliya .waxaan jeclaan lahaaa in lagu daro in ay tartamayaasha in magacooda sheegaan si ay isku bartaan tartamayaaha mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here