Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka

1585

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Kismaayo iyo Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Jubbad Hoose iyo Bari, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Kismaayo iyo Boosaaso waxey noqotay sidan, iyadoo tartankii caawa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee la qabto inta uu tartanku bilowday:-

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen saddex su’aal,  halka ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Boosaaso, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kismaayo ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Boosaaso

Tartamayaasha Degmada Boosaaso waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen afar su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamaaasha Boosaaso, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boosaaso ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Hadaba kulankii 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar weyne iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here