Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

3735

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa wareegiiisa labaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Bayhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraaq Cali Yuusuf bahlaai ayaa caawa furay wajiga labaad ee tartanka, isagoo guul u rajeeyay degmooyinka u soo gudbay wareega labaad.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Baydhabo  waxey noqotay sidan:-

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Yaaqshiid ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo  waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal,  halka ay iska qaldeen Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood).

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaxda iyo Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

Halkan ka dhageyso Tartanka

IMG_0004 IMG_0007 IMG_0009 IMG_0018 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0032 IMG_0035 IMG_0038 IMG_0043 IMG_0045 IMG_0059 IMG_0063 IMG_0065 IMG_0071 IMG_0072 IMG_0073 IMG_0075 IMG_0079 IMG_0083

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. afka soomaaliyeed waa in la hormariyo , wax ma garato carab ay lacag soo siiyeen ayaa rabo in afka soomaaliyyed baabi,yaaaan . soomaaliyeey afka soomaaqliga waa aqfafka uGu cimriga badan aduunka waxaana sheegay culumadda aduunka, carab ayaa ka maseyrsan afka soomaaliga oo ay ku hadli jireen faraaciintii hore . oo ahaa dad cilmi badan ku soo kordhiyey aduunka , ka ilaaliya wadadankiina carab injiray waa cadawga dadka madow,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here