Tartamayaasha Wadajir oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa shanaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Garbahaareey iyo Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Markii ay soo idlaatay su’aalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, ayaa waxaa lagu nastay su’aal dhextaal ah oo loogu talaglay dadweynaha la soccda tartanka, taasi oo ahayd, Sheeg magaca duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-tii?

Su’aasha ma jirin cid si sax ah uga jawaabtay, balse guddiga tartanka ayaa ka jawaabay, taasi oo ahayd Caaqil Axmed Raage waxa uu ahaa duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-kii.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareermartay tartamayaasha Garbahaareey sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 6aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here