Tartanka Heesaha Hirgalay oo lagu qabtay Muqdisho”SAWIRRO”

Tartankaan oo qayb ka ahaa Barnaaamijka soo Noolayanta dhaqanka, Hidaha,farshaxanka iyo heesaha Hirgalay  ayaa waxaa ku tartamay Afar Dhallinyaro oo ka kala yimid  kala yimid Gobolka Banaadir.

Xaawo Cabdi Xasan oo ka mid ah Tartamayaasha ayaa kaalinta koowaad gashay, iyadoo ku Tartamayeeysay Hees wadani ah oo tilmaameysa Dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Degmada kaaraan C/fitaax Nuur Cali oo degmadiisa marti loo ahaa ayaa sheegay in Taariikhda Heesaha Hirgalay ay yihiin kuwo miisaan muhiim ah u leh ummadda Soomaaliyeed.

Mareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaallada Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed ay Aad ugu fiican yihiin Fanka isl markaana Fanka Soomaalida uu Aad uga sareeyo kuwa kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka  iyo dalxiiska C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa qeexay siyaasadda Wasaaradda ee ku Aadan soo Nooleynta Dhaqanka, Hidaha, Farshaxanka iyo heesaha hirgalay oo uu sheegay in uu yahay mid muhiimad gaar ah ay siinayso dowladda Federaalka soomaaliya.

Barnaamijkan Heesaha Hirgalay oo qayb ka ah barnaamijka soo leynta Dhaqanka, Hidaha iyo farshaxanka ayaa waxaa ku tartamaayay Afar Dhallinyaro oo kala ahaa Xaawo Cabdi Xasan oo Gashay kaalinta koowaad, Nuur Maxamed Saciid oo galay kaalinta labaad, Cabdiwali Cumar Cabdulle oo Galay kaalinta sadaxaad  iyo Xamdi Maxed Cali oo iyana Gashay kaalinta Afaraad, iyadoo Tartankaas ay ka soo baxeen Fannaaniin waweyn oo ka Mid Noqday kooxaha kala duwan ee Dalka ka jira.

Copy of IMG_5344 Copy of IMG_5348 Copy of IMG_5376 Copy of IMG_5398 Copy of IMG_5404 Copy of IMG_5407 Copy of IMG_5413 Copy of IMG_5418 IMG_5293 IMG_5322 IMG_5323 IMG_5349 IMG_5358 IMG_5362 IMG_5366 IMG_5369 IMG_5375 IMG_5378 IMG_5388 IMG_5395 IMG_5399 IMG_5419 IMG_5420 IMG_5422 IMG_5430 IMG_5437 IMG_5456 IMG_5462 IMG_5463 IMG_5469 IMG_5471 IMG_5473