Taxanaha Tacliinta Soomaaliya (Qeybtii) 2-aad

693

Waxaan qeybtii hore ku soo qaadanayay Taxanaha Taariikheed ee Tacliinta Soomaaliya ee Xilliyadii gumeysiga ka hor iyo waliba ka dib, qormadaan waxaan ku soo qaadan doonaa Tacliinta Soomaaliya ee waqtigii Xukuumadahii Rayidka ahaa:-

Xilligii dowladihii Rayidka ee 1960-1969kii:

Waxbarashada gobannimada ka dib Horumarinta waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii.

Fikradda ah kaalinta waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyadeed iyo tan bulshaba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay kamid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad u nuxuus ahaa, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yarayd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habeyn ugu sameyn weyday una ballaarin weyday waxbarashada waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:

(1)- Iyada oo ay waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

(2)- ku kala gaaddisnaanta luqadda wax ku qoran yihiin.

(3)- manhajka la baranayo, oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn mideyntooda.

(4)-iyo tan kale oo aheyd in ay aad u adkaatay in la helo istiraatijiyad wax ku ool ah oo bulsho aad u ballaaran oo reer miyi u badan lagu gaarsiin karo waxbarasho.

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay Muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey.

W.D: C/laahi Ruush

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here