Telefishinka Qaranka oo galabta si toos ah u soo tebin doona ciyaarta Finalka ah ee koobka G. Daa’uud

3
2142

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV ayaa markii ugu horeeysay galabta si toos u soo tebin doona ciyaarta Finalka ee Koobka Jen. Daa’uud ay isaga hor imaanayaan Kooxaha Heegan iyo Horseed.

War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaar garowgii loo baahnaa la sameeyay, si ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Jen. Daa’uud si toos ah looga daawado Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Soo gudbinta cayaartan tooska ah ayaa waxaa iska kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, taleefishinka qaranka Soomaaliyeed iyo Horn Connect oo fududeyneysa.

Ciyaartan kama dambeysta ah ayaa waxaa ka soo qeyb geli doonaa kumanaan ruux oo ka kala imaanaya degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana goor sii horeysay ay dadka goosteen Tikidhada ay ciyaarta ku daawanayaan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa tani ku macneeyey tallaabo weyn oo horey loo qaaday, kadib sanado badan oo sharci darro iyo degenaansho la’aan ay ka jirtay Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

3 COMMENTS

  1. Asc wrwb
    Allah mabaruuk tvga qaranka soomaaliyeed oo si toos usoo gudbiyo ciyaaraha.
    Please saas inoogu wada iyo barnaamijyada kaleba gaar Ahaan qudbada jimcooyinka haddaad noo awoodaan Allah idiin barakeeyoh

  2. marka hore waxaan salaamayaa madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta qaasatan felefishanka qaranka soomaaliyeed,walaalayaal waxaan joogaa jeddah sacuudi carabiya waxaan shalay daawanay cayaartii tooska ahayd ee ka dama dambaysta ee koobka jeneraal daauud ee dhex martay horseed iyo heegan walaalayaal markii aan aragnay tvga qaranka oo aan ka daawanayno cayaar toos ah aad baan u qiiroonay waana horumar uu gaaray wadankeena soomaaliya alxamdulillaah,waxaan u mahad celinayaa alle marka labaad hogaanka sare ee waddanka iyo dhamaan inta u shaqeysa in waddankan mar uun uu ka baxo marxaladda dowladnimo la aantii 20 ka sano waxaanan leeyahay ilaahey ha idin waafajiyo kheyrka aad dadka soomaaliyeed u haysaan
    tan waxay kaloo dhiiri gelinaysaa cayaartoyda iyo tabarayaasha in ay bartaan bulshadooda maxaa yeelay cayaartoydeenii hore ee magaca kyu lahaa waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba wax haba yaraatee taariikhdooda laga hayo oo kayd ah malaha sidaas ayuuna magacooda ku baaba ay lkn hadda ayaan kaydin doonaa taariikhda isboorti ee waddankeena insha allah .muuse goosaar jeesoow jeddah saudi arabia

  3. kooxda horseed lama sameyn 1971 ee waxaa la sameeye 1948 in taas ka saxa dadkii u dheelaaye xiligaas aa hada jooga 1971 waxaa u dheelaaye shaash oo ahaa difaaca team ka asaga kohor uu dhisnaa , waa qalad hadee arkaan dadkii u ciyaaraaye ama dadka taariikh da la socda, teeda kalana ka fiirsada inta aadan soo gelinina, wadanka waxaa jooga cayaartooy dii hore wareysta, wa bilaahi towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here