Toban diblomaasi Soomaali ah oo tababar diblomaasiyadeed ugu kicitimaya dalka Qatar “Sawirro”

527

Waxaa u safri doona Magaalada Doha maalinta Jimcaha tobanka ugu wanaagsan diblomaasiyiinta ku hadla Af Carabiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga si ay u soo qaataan tababar diblomaasiyadeed oo mudadiisu tahay shan cisho.

Hadal uu ka hor jeediyay diblomaasiyiinta Soomaalida, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ku booriyay inay ka muuqato xushmad iyo tixgelin oo tilmaan u noqonaysa sarreynta iyo barbaarinta iyo inay si mug leh uga faaideystaan tababarka diblomaasiyadeed si nafsaddooda iyo Wasaaraddaba ay ugu horumariyaan.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in tababarkan mudadiisu kooban tahay uu yahay kii seddexaad oo qaar ka mid ah kaadirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga lagu tababaro Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here