Todobaadka Dhir beerista oo maanta la soo gebagebeeyay

1205

Munaasabadan oo qeybta ka aheyd todobaadka Dhir beerista Soomaaliya  ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,Ururka Haweenka Qaranka, Ururka Haweenka degmada  Waaberi  iyo dadweyne kale  taasi oo maanta lagu qabtay barxadda Taallada Sayidka Maxamed Cabdulle Xasan.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya oo ka soo qeyb galay munaasabadaasi ayaa waxa uu ku beeray Geed marood  goobta ay ka socotay  munaasabada  isagoo ay garabtaagnaayeen qaar kamid ah mas’uuliyiintii goobta joogtay.

Gudoomiyaha  degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed  oo ka hadlay  munaasaba  ayaa  sheegay in  maalintan ay  qiimaweyn  ugu  fadhido  bulshada Soomaaliyeed maadaama lagu guda jiro todobaadka Dhir beerista Soomaaliya.

Xoghayaha guud  maamulka  gobolka Banaadir  Maxamede Amiin Sheekh  Cilmi  oo  ka hadlay  goobta  a ayaa sheegay in faa’idada Dhirta ay u leedahay dhamaan noolayaasha aan la soo koobi karin loona baahan yahay in la ilaaliyo.

Gudoomiyaha  Ururka Haweenka Qaranka   Batuulo Sheekh Axmed  Gaballee ayaa  ugu baaqday  bulshadu inay  ka qeyb qaataan Beerista  Dhirta  si loo helo deegaan qurux badan oo nolali ay ka suurgali karto.

Wasiirku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha  Dhirta iyo Daaqa ahna  gudoomiyaha  gudiga qaban qaabada todobaadka  Dhir beerista  Soomaaliyeed Mudane C/naasir  Gaarane ayaa  sheegay in  maalintan ay ku weyntaahy  bulshada Soomaaliyeed  loona  baahanyahay in qof kasta uu  ka qeyb  qaato  beerista Dhirta.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska   Mudane  Maxamed Cabdi    Xayir “Maareeye” oo geba gebadii   munaasabada ka  hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Dhiru ay u leedahay dhamaan noolaha ayaa ugu baaqay  bulshada  in ay ka shaqeeyaan  horumarka  dalka  ayna  ka qeyb qaataan  beerista Dhirta.

Madaxweynaha  Soomaaliaya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Isbuucii la soo dhaafay  daahfuray ololaha todobaadka  dhir beerista Soomaaliya iyadoo guddi heer Qaran ah loo xilsaaray howshaasi.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here