Todobaadka Dhirbeerista Qaranka oo Muqdisho laga xusay{SAWIRRO}

1718

Munaasabad qayb ka ah xuska Todobaadka dhirberista Qaranka Soomaaliya oo maalmahaanba si habsimi ah uga soconaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya halkaas oo ay uga qayb galeeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo mas,uuliyiin kale.

kulankaas ayaa waxaa Xubnaha golaha wasiirada ee ka qayb galay ka mid ahaa Wasiirka wasaarada Beeraha xukuumada Soomaaliya .wasiir ku xigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa .sidoo kale mas,uuliyiinta ururka haweenka Qaranka waxaa Goob joog ka ahaa gudiga heerka Qaranka ee Dowladda Soomaaliya u saartay Qaban qaabada Munaasabadahaas waxaa kale oo ka qayb galay xubno  ka mid ah wasiirada mamaulka Koofurgalbeed .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi naasir Gaarane Maxamed oo ka hadlay Munaasabadaaslagu xusayay Todobaadka dhirbeeerista Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in Farxad weyn ay u tahay in qaab wanaagsan ay Munaasabaduhu u dhacayaan sidoo kale ay kala soo qaybgaleen wasaaradaha qayraadka dalka isagoo xusay in uu rajo weyn ka qabo in sidii loogu talo galay oo wanaagsan ay ku soo dhamaadaan Munasabadahaasi.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bille ayaa waxaa uu ugu horeyntii ku amaanay wasaaradda Xanaanada Xoolaha qaabka ay u agaasintay xilkana iskaga saartay qabashada munaasabadahaan iyo ka wacyi galinta bulshada in dhirta la jaro waxaana uu intaa ku daray in dhirtu tahay Muhiimada koowaad ee Nolosha Bulshada ka,aanteeedna aysan jirin Nolol.

Mr Gaboobe ayaa waxaa uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay meel uga soow ada jeestaan dadka jaraya dhirta ee degaanka xaalufinaya isla markaa taa badalkeeda ay dhir badan beraan si ay uga qayb qaadato bilicda Degaankeena .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa furay Todobaadka dhireynta Qaranka 11 kii Bishaan April 17 ka Bisha ayayna ku beeegantahay Malinta loo asteeyay Dhirbeerista Soomaaliya .

20150415_120854_resized 20150415_121038_resized 20150415_121054_resized 20150415_121106_resized 20150415_121123_resized 20150415_121817_resized 20150415_122251_resized 20150415_122257_resized

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here