TOOS U DAAWO: Waxqabadka Maaliyadda iyo dood ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya

Munaasabad lagu soo bandhigayo waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayna bar bar socoto dood ku saabsan deeyn cafinta iyo dib u habeynta maaliyadda ayaa ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Masraxa Warfaafinta.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, mas’uuliyiin kale iyo marti sharaf lagu casuumay munaasabadda ayaa hobollada Qaranka waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa horumarka laga gaaray Maaliyadda dalka.

Munaasabadda ayaa qeybta hore waxaa lagu soo bandhigay muuqaal kooban oo ka turjumaya hannaanka maaliyeed ee dalka iyo horumarka lagu talaabsaday.

Qeybta labaad waxaa dood ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya iyo Dib u habeynta Maaliyadda lala yeeshay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo k jawaabay su’aalihii la xiriiray horumarka laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here